wikiHow:Somali wikiHow Project/Hagaha Qoraha
Hagaha hannaanka qoridda waxaa loogu talagalay inuu kaa caawiyo qoridda qoraallada la hanaqaado hanaanka iyo codka wikiHow-ga. Waxaad u qoraysaa qof aan hadda ka hor fulin howsha aad ka hadleyso, aanan isku halleyn koollo, dhiiqo, ama burka lagu dubo doolshada, kadibna internet-ka baaraya si uu uhelo xalka dhibaatada haysata. Taasi weeye sababta loo baahan yahay inay qoraalladu ahaadaan kuwo cad, kooban oona (waa tan ugu muhiimsanee) aqoon xambaarsan. Yoolkeenna guud ee qoraallada wikiHow waa bixidda aqoon dulmar (guudmar) ah ay akhristayaashu si dhakhsa ah u fahmi karaan, isla markaasna abuuraya qoraallo hodon ah oo aqoon xambaarsan oo loogu talagalay isticmaalayaasha dulqaadka leh. Waxaan isku dayeynaa inaan ka fogaanno hannaanka daabacayaasha caadiga ah waayo akhristayaasha walxaha internet-ka ku jira waxay ubaahan yihiin inay macluumaadka si dhakhsiyad badan u fahmaan. Tani micneheedu waxa weeye waxaannu daaqadda ka tuuri doonnaa qaanuunnadii hore. Xusuusnow: Talada hoos ku qoran waxay kuu tahay hage markaad qoreysid. Waan ognahay inay jiraan waqtiyo aan qaacidooyinka lagu dhaqmi karayn, marka maskaxda kuhay inaan waxna dhagax ku qorreyn, mar walbana ku dhaqan fikradda kula habboon markaad sameyneysid ama tifaftireysid qoraallada. Haddaad su'aala leedahay, waxaad la xiriiri kartaa Kooxda Caawimaadda, muntadayaasha wax ku qor, ama email udir xiriiriyaha, Krystle.
An editor has suggested that this article be moved to a version of wikiHow in this language. If you are the author, please email [email protected] to have the article moved. |
EditDoorashada Mawduuca
Waxaad qoraal ka sameyn kartaa mawduucaad rabtid (akhriso xeerarkeenna). Wuxuu noqon karaa mid guud (tusaale: Sida Si Fiican Loo Seexdo), ama mid khaas ah (tusaale: Sida Si Fiican Loo Seexdo Xanuun Dheer Kadib). Haddaad garaneyn mawduuc aad wax ka qortid, isku day inaad dalab ka jawaabtid.
Haddaanu mar hore ka hadalnay mawduuca aad qori rabtid, fadlan waxaad tifaftirid ku sameysaa qoraalka jira intaad mid cusub billaabi lahayd. Hadduu wikiHow-gu yahay mashruuc isutag ah, waxaannu rabnaa dadka inay isla shaqeeyaan si ay u sameeyaan bog tayo leh oo ku saabsan mawduuc khaas ah badalka qof waliba uu boggiisa sameysan lahaa.
EditDoorashada Cinwaanka
Waxaad isticmaashaa cinwaanka ugu gaaban ee aad awoodid oo ka kooban erayada lawada yaqaanno oo tilmaamaya qoraalka wuxuu ka hadlayo.
Cinwaanka waxaad ku billaabi kartaa ficil. Xusuusnow in erayga 'sida' laguugu darayo si automaatik ah.
Haddaad cinwaanka khaladid, ha walwalin. Waxaad un galisaa {{cinwaan|cinwaan cusub}} qoraalka billowgiisa (meesha ugu horreysa). Ugu dambaystii maamule mutadawic ah ama Hormariyaha Qoraalka Cusub ayaa arki doona dalabka, kuuna beddeli doona cinwaanka. Cinwaanka waa inuu ahaado magac ku habboon qoraalkaaga.
EditHorudhaca
Horudhaca waa meesha uu akhristuhu go'aansado in wuxuu qoraalku ku saabsan yahay uu yahay wax u qalmo in uu isku dayo. Waa inuu ahaado guud-mar ama khulaaso soo koobaysa wuxuu akhristuhu ka baranayo qoraalka, hannaanka iyo codka Horudhacana wuu kala duwanaan karaa marka la eego habka qoraalka aad qoreysid.
Hadduu qoraalku yahay mid muhiim ah, tusaale ahaan mid farsamo ama caafimaad ku saabsan, Horudhaca waa inuu micnihiisu cad yahay. Wuxuu ka kooban yahay labo ama saddex weer ugu badnaan, wax badan oo maalaayacni ahna kuma jiraan. Tusaale ahaan eeg “How to Treat a Sunburn”.
Haddii uu mawduucu yahay mid iska fudud sida qoraallada ku saabsan xiriirrada iyo guurka, waxaad rabtaa Horudhaca inuu ahaado mid xiiso leh. Qoraalladani dadku waxay u akhrisanayaan maaweelo ahaan, marka waxaan rabnaa inaad soo jiidato indhohooda oo boodboodaya. Tusaale ahaan, waxaad eegtaa “Sida Loo Shukaansado”.
EditDigniinno
Waxaad u isticmaashaa qeybta Digniinnada hadday muhiim tahay inaad akhristayaashu ku baraarujisid mushkiladaha muhiimka ah oo ay la kulmi karaan markay dhammeystirayaan shaqada ama hawsha, sida khatarta nolosha ama xubnaha jirka soo gaari kara ama kharash badan oo kusoo aadi kara. Qoraal kasta malahaanayo qeybta Digniinnada, laakiin haddaad isku daydid inaad qoraalka ku saabsan mindi-tuurista adigoon u yeelin qeybta Digniinaha, waxaan kula talineynaa inaad fiiro labaad ku celisid.
- Iska dhaaf digniinaha layska yaqaanno sida “Iska ilaali maqaska ha isku jarin.”
EditWaxyaabaha Loo Baahan Yahay
- Qeybta Waxyaabaha Loo Baahan Yahay waxay ka kooban tahay waxyaabaha la taaban karoo dhan oo loo baahan yahay in la dhammeeyo hawsha (sida maqas, cirbad, dun). Ha ku darin waxyaabaha aan la taaban karin (sida samir, waqti).
- Wax kooban oo khaas ah sheeg. Ha ku darin waxyaabaha uu akhristuhu haysto ama uu durba heli karo. Badanaa, qeybtan waxay ahaani liis walxo ah.
EditWalxaha Cunnada
- Hadduu qoraalkaagu u baahan yahay qeyb walxaha cunnada ah waa inay ku taallo meesha ugu korreysa qoraalka, Horudhaca hoostiisa iyo Tillabooyinka korkooda. Waxaad ku dartaa walxa la cuni karo oo dhan uu u baahan yahay qoraalku, iyo cabbirkooda intuu le'eg yahay. Walxaha aan la cuni karin, sida digsiyada, alaabta iyo agabka waa inaad ku dartid qeybta Waxyaabaha Loo Baahan Yahay.
EditIlaha iyo Tixraaca (Xigashada)
- Waxaan rabnaa inay akhristayaashu kalsooni ku qabaan macluumaadka aan kusoo bandhigayno wikiHow, taasina waa sababta aan muhiimad gaar ah u saareyno ma'aha kaliya ilaha, laakiin sidoo kale doorashada ilaha lagu kalsoon yahay.
- Iska ilaali inaad bloogyada sida gaarka loo leeyahay iyo muntadayaatka kasoo xigatid ilo ahaan, haddii ay leeyihiin ururo lagu kalsoon yahay ma'ahane (sida bloogga uu leeyahay brofesoor oo lagu soo xiriiriyay bogga jaamacaddiisa, misa bogga khaaska ah ee qof takhasus u leh barnaamijyada kombyuutarrada.) Waan ognahay in mawduucyada iska fudud, sida karista cunnooyinka ama farsamada iyo hiwaayada ay leeyihiin bloogyo badan oo si khaas ah loo leeyahay, kuwaasna dhib malaha inaad soo xigatid; waxaad un xaqiijisaa inay ilahaagu u eg yihiin kuwo dad aqoon leh leeyihiin, ayna ka fog yihiin khaladaad badan oo weyn. Sidoo kale ka fogow bogagga kala ah eHow, Yahoo Answers, Ask.com, Examiner.com, oo aad ka shakineysid in hawl adag oo xaqiijinta macluumaadka aan lagu sameyn.
Isticmaalka Qeybta Ilaha iyo Tixraaca
-
Khasab ma'aha inaad u isticmaashid ilo ama tixraacyo qoraalladaada, laakiin isticmaalka tixraacyada qoraalka gudihiisa waxay weyneysaa kalsoonida lagu qabi karo waxaad qortay, khaasatan haddii xigashada isha macluumaadka tahay mid lagu kalsoon yahay ayna akhristayaashu u suurta galineyso inay sii akhristaan oo daba galaan hadday rabaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan waxaad qortay.
- Taas daraadeed, waxaan kuugu taxallujineynaa inaad wax walbaad qortid ku dartid tixraaca-gudaha qoraalka oo aad u leedahay ilo taageeraya. Si aad taas u sameysid, waxaad isticmaashaa qaabka [1] waxay noqon kartaa link (ama tixraac buug la daabacay) oo ku yaalla dhammaadka laynka ama qeybta uu la xiriiro. Taasi waxay si automaatik ah wax walboo ku jira taagagga dhexdooda <ref>http://www.tusaale.com</ref> u sameyneysaa fiiro gaar ah oo ku taalla Qeybta Ilaha sidaan oo kale.[2] Waxaad eegtaa “How to Reference Sources on wikiHow” si aad u heshid macluumaad dhammeystiran oo ku saabsan qaabka tixraaca gudaha ee qoraallada.
- Waxaan kula talineynaa inaadan ku darin hyperlink-yo la xiriira ilaha bannaanka ah qoraalka gudihiisa, waayo tixraacyada gudaha ayaa u badan in qoraalka lagu baaqi yeelo. Hyperlink-yada xiriiriya ilo ka baxsan wikiHow, oo ku jira qoraalka badanaa waxaa ka beddela ama gebi ahaanba ka saara tifaftiryaasha, khaasatan haddii lagu talogalay inay akhristayaashu ku aaddiyaan bog kale – waxaa badanaa galin jiray kuwa spam-ka faafiyaa.
EditHagid Guud
Magacyada Sida Gaarka Loo Leeyahay
- Iska ilaali inaad walxaha ku sheegtid magac khaas loo leeyahay haddaad awoodid. Tusaale ahaan, qoraal ku saabsan sida loo nadiifiyo waxyaalo daatay, waxaad akhristayaashu kula talisaa inay isticmaalaan maro ama istiraasho baddelkaad ku oran lahayd isticmaala istiraashooyinka kambaniga Skroj-Brayt™.
- Qaacidadaan waxaa ku jirin laba arrimood:
- Markuu qoraalkaagu ka hadlayo sida loo isticmaalo walax khaas ah, tusaale ahaan “Sida Graaf Lagu Hagaajiyo Mikrosoft Eksel.”
- Marka uusan jirin magac guud ah oo loo isticmaalo magaca khaaska baddalkiisa (sida Omo).
Cabbirka (Halkubeegga)
- Si aad u anfacdid akhristayaasha wikiHow oo caalamka ku kala firirsan, mar walba isticmaal labada cabbir: “Waxaad socotaa hal mayl (1.6 km) maalin walba.” Waxaad isku taxallujisaa inaad isticmaashid erayo guud sida “Wac adeegyada degdegga,” baddalkaad oran lahayd “Wac 911.”
EditSteps
- ↑ http://www.tusaale.com
- ↑ ______
Article Info
Categories: Help | Writing and Editing
In other languages:
Deutsch: Wie man einen wikihow Artikel schreibt, Español: Cómo Guía del escritor, Français: Comment Guide de l'auteur, Italiano: Come wikiHow:Guida degli Autori, Nederlands: Schrijf Gids, Português: Como Guia do Escritor
Thanks to all authors for creating a page that has been read 1,119 times.